XOG: Lionel Messi & Luis Suarez Oo Kaligood Ka Goolal Badan Dhamaan Kooxda Real Madrid, Imisa Gool Ayay Dheeryihiin?

0

Kooxda Barcelona ayaa sanadka 2019 ku bilaabatay guul 2/1 ah oo ay ka gaadhay kooxda Getafe iyaga oo uga mahad celinaya xiddigaha Lionel Messi iyo Luis Suarez.

Xiddigaha Lionel Messi iyo Luis Suarez ayaa dhaliyay 28 gool dhexdooda ilaa haatan horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Argentine ayaa dhaliyay 16 gool halka uu xiddiga reer Uruguay dhaliyay 12 gool ilaa haatan horyaalka La Liga.

Taas ayaa la macno ah in ay kaligood ka gooal badan yihiin kooxda Real Madrid oo dhan kuwaas oo ilaa haatan dhaliyay 26 gool.

Xiddigaha reer South America ayaa sidoo kale ka goolal badan kaligood kooxda Atletico Madrid oo haatan dhalisay 26 gool xilli ciyaareedkan.

Sidoo kale kooxda Celta Vigo ayaa la goolal ah xiddigaha Messi iyo Suarez kuwaas oo dhaliyay 28 gool halka ay kooxaha Sevilla iyo Levante kaliya ka goolal badan yihiin isku darka goolasha xiddigaha Messi iyo Suarez.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here