Xiddigaha Kylian Mbappe iyo Lionel Messi ayaa hogaaminaya xiddigaha ugu goolasha badan sanadka 2019 iyaga oo ka badan xiddigaha yurub oo dhan.
Lionel Messi ayaa dhaliyay 13 gool tan ilaa bilowgii sanadk 2019 iyada oo ay ka soo wareegtay 70 maalmood isaga oo 11 gool ka dhaliyay La Liga 2 gool-na ka dhaliyay Copa Del Rey-ga halka uuna champions League wax gool ah dhalin.
Dhanka kale da,yarka Kylian Mbappe ayaa sii wada ka yaabinta adduunka isaga oo 13 gool dhaliyay sanadka cusub 11 gool oo horyaalka France ah, hal gool oo champions League ah iyo hal gool oo koobka France ah.
Xiddiga kooxda Sevilla ee Wissam Ben Yedder ayaa dhankiisa dhaliyay 12 gool halka xiddigaha Karim Benzema iyo Sergio Aguero wada dhaliyeen 11 gool
Halkan Hoose Kaga Bogo Xiddigaha goolasha ugu badan dhaliyay sanadka 2019 ilaa haatan.
Lionel Messi: 13 Gool
Kylain Mbappe: 13 Gool
Wissam Ben Yedder: 12 Gool
Sergio Aguero: 11 Gool
Karim Benzema: 12 Gool
Jaime Mata: 10 Gool
Edison Cavani: 9 Gool
Moussa Dembélé: 9 Gool
Rodrigo: 9 Gool
Luis Suarez: 9 Gool