XOG: Lionel Messi & Cristiano Ronaldo Oo Rekoodh Cajiib Ah Ku Tartamaya, Xogta Isbar Bardhigooda Abid Ee Wax Qabadkii Ay Soo Sameeyeen Iyo Midka Heerka Ugu Fiican Maraya.

Muddo toban sanadood ka badan waxaa aduunka haysata midka fiican Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo waana dood kubbada cagta aduunka laba u qaybisay iyada oo qayb kastaaba ay aaminsan yihiin in xidiga ay taageeraan uu yahay kan ugu fiican aduunka.

Erayga GOAT oo ah xidiga abid waqtiga oo dhan kubbada cagta ugu fiicnaa ayaa noqday eray loo adeegsado Lionel Messi iyo Cristaino Ronaldo waxayna taageerayaasha labada dhinac midba uu aaminsan yahay in xidiga ay taageeraha u yihiin uu yahay kan taariikhda kubbada cagta ugu fiican.

Tababarayaal, ciyaartoy, shaqsiyaad magac leh iyo cid kasta oo kubbada cagta wax ka fahansan ayaa si joogto ah uga soo hadlayay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo laakiin ilaa hadda waxaa laysku khilaafsan yahay midka Messi iyo Ronaldo ah kan aduunka ugu fiican.

Haddaba waxa ugu dhaw ee lagu xukimi karo isbarbar dhiga Lionel Messi iyo Cristaino Ronado ayaa ah in laga hadlo xogta wax qabadkii abid ee ay kubbada cagta ka soo sameeyeen Lionel Messi iyo Cristaino Ronaldo iyada oo waliba si gaar ah loo eegayo labada arimood ee ugu saamaynta badan ee gool dhalinta iyo gool caawinta.

Kubbada cagta waxaa go’aamiya oo koobab loogu kala guulaystaa waa gool dhalin, waana masuuliyada ugu badan ee saaran Ronaldo iyo Messi waxaana soo raacda kubbad caawinta inkasta oo ay dheer tahay ciyaarsiinta kooxda iyo waliba hal abuurka aan gool dhalin loo badalin.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan ugu garqaadaysa taageerayaasha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi iyada oo aanan wax kale samaynayn balse aanu si xaqiiqo ah u soo bandhigi doono wax qabadkii ay soo sameeyeen muddadii ay kubbada cagta heerka kowaad ku soo dhex jireen taas oo qof kastaba ku qancin karta in waxa uu aaminsan yahay uu wixii saxda ahaa yahay ama ay wax ka qaldan yihiin.

Waxa aanu diirada saari doonaa, tirada kulamada ay abid soo ciyaareen Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, gool dhalintii ay ku soo sameeyeen iyo gool caawintii ay ka soo qayb qaateen, waxa kale oo aanu hoos ugu sii degi doonaa tartamadii ay wax qabadkan ka soo muujiyeen iyada oo aan la eegayn koobabkii iyo abaal marinihii ay ku soo guulaysteen maadaama oo waxa aan ka hadlaynaa ku salaysnayn waxa ay koox la soo gaadheen ama ay codbixin ugu guulaysteen ee waxaan ka hadli doonaa waxa ay lugtooda ku soo gaadheen.

Waxa kale oo naga xusuusin ah in xogta aanu soo bandhigi doonaa ay noqon doonto mid iskugu jirta wax qabadkii labadan xidig ee heerka kooxaha iyo heerka caalami ee xulalka qaramadooda oo dhan taas oo soo koobi doonta midka ah boqorka kubbada cagta.

Haddaba Waa Sidee Xogta Abid Ee Crstiano Ronaldo Vs Lionel Messi Ee Kubbada Cagta Ay Ka Sameeyeen?

Guud ahaan Cristiano Ronaldo waxa uu soo ciyaaray 952 kulan oo rasmi ah oo iskugu jira heerka kooxaha iyo waliba heerka caalami ee xulka qarankiisa Portugal wuxuuna kulamadan ku soo dhaliyay 682 gool wuxuuna isla kulamadan caawintooda soo sameeyay 218 gool.

Waxa uu Cristiano Ronaldo hadda hiigsanaa in uu gaadho 700 gool oo waayihiisa ciyaareed ah, waxaana xaqiiqo ah in waqti kaliyi inaga xigo maalinta loo diwaan galin doono in uu rekoodhkan gaadhay laakiin haddaba Ronaldo ayaa ku soo lug yeeshay 900 gool oo kubbada cagta uu ka soo sameeyay waana isku darka gool dhalintiisa iyo gool caawintiisa.

Lionel Messi waxa uu isna guud ahaan soo ciyaaray 803 kulan oo ah heerka kooxeed iyo heerka caalami ee xulka qarankiisa Argentina wuxuuna Ronaldo ka hooseeyaa 149 kulan ah muddadii uu Ronaldo kubbada cagta kaga soo horeeyay laakiin Messi ayaa 803 kulan oo rasmi ah waxa uu ku soo dhaliyay 656 gool wuxuuna soo caawiyay 270 gool.

Lionel Messi laftiisa ayaa hadda hiigsanaya in uu gaadho 700 gool oo waayihiisa ciyaareed ah waxaana haddaba la aaminsan yahay in uu waqti kaliyi inaga xigo marka uu heerkan gaadhi doono inkasta oo uu Cristiano Ronaldo haysto fursad ka fiican oo uu uga dhaw yahay.

Laakiin arinta layaabka leh ayaa ah in Lionel Messi uu 26 gool oo kaliya ka hooseeyo Ronaldo inkasta oo uu Cristiano dheer yahay 149 kulan oo ah muddadii uu garoomada heerka kowaad kaga soo horeeyay, waana sababta uu Messi ugu socdo heer gool dhalineed oo ka deg deg badan intii uu Ronaldo ku soo socday.

Waxayna dadka doodan aaminsani ku doodayaan in haddii uu Messi haysan lahaa 149 ka kulan ee uu Ronaldo dheer yahay in uu hadda si wayn uga horayn lahaa balse xataa isaga oo ka kulamo yar uu hadda 26 gool oo kaliya uu guud ahaan ka hooseeyo.

Ilaa hadda Lionel Messi ayaa ku soo lug yeeshay 926 gool wuxuuna Ronaldo dheer yahay 26 gool ee isku darka gool dhalinta iyo gool caawinta ay abid soo sameeyeen.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here