XOG LA HELAY: Ciyaartoyda Man United oo kooxda laga ceyrin doono haddii kulanka caawa ee Man City…..(War farxad wayn u ah Liverpool)

0

Manchester United ayaa caawa Old Trafford ku marti galin doonta dhigeeda Manchester United kulan ay isha ku hayaan Liverpool iyo Jamaahiirteeda oo idil kuwaas oo mar uun doonayo inay u kufaan wiilasha Pep Guardiola.

Yeelkeede, Tababare Solskjaer oo ka careysan guul daradii foosha xumeyd ee ka soo gaartay Everton oo afar ku xaaqday ayaa furka ku tuuray ciyaartoydiisa isagoona sheegay in laacibkii bandhig liita la yimaada kulanka caawa uu kooxda ka diri doono oo uu iibin doono isla markaana uusan qeyb ka noqon doonin qorshihiisa xilli ciyaareedka Cusub.

Xog la helay ayaa sheegeysa in macalinka reer Norway uu hadal dheer oo dhaleeceyn ka buuxda ka soo jeediyay qolka dher badelashada Man United.

Qodobada uu qolka dharbadelashada uga hadlay macalinka ayaa waxaa ka mid ahaa in ciyaartoyda ay bandhig fiican iyo dagaal la yimaadaan kulanka caawa ee Manchester Derby isla markaana kooxda laga ceyrin doono laacibkaan sidaa sameyn.

Image result for Man United vs Man City

Wuxuu kaloo u sheegay in guushii soo laabashada lahayd ee PSG aysan iminka waxba tareyn, wuxuuna sidoo kale su’aal galiyay dareenka ciyaartoyda ee ku aadan inay doonayaan inay ku dhameystaan afarta sare iyo inkale.

United ayaa caawa marti galin doonta City iyadoo laga adkaaday lix ka mid ah sideedii kulan ee ugu dambeysay taa oo cadaadis xoogan saartay Solskjaer oo dhawaan uun loo magacaabay xilka joogtada ah ee kooxda.

Mid ka mid ah ilo wareedyada la helay ayaa waxaa xitaa ka mid ah in Solskjaer uu caro waali ah kala dul dhacay ciyaartoydiisa.

Wuxuu kooxda oo idil u sheegay in laacibkii bandhig liita la yimaada kulanka caawa oo si ruux leh u dagaalami waaya uusan qeyb ka noqon doonin qorshihiisa kal ciyaareedka soo socda.

Warkaan ayaa wuxuu farxad gaar ah u noqon doonaa jamaahiirta Liverpool oo iyaga isha ku haya kulanka caawa isla markaana doonaya inay adkaato kooxda Manchester United si ay hal gacan ugu sii qabsadaan Premier League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here