XOG: Kooxaha Premier League Oo Boodhka Ka Jaftay Rikoodh Champions League Ah Oo Ay Ugu Dambaysay 10 Sano

0

Waxa xalay si Rasmi ah loo soo afjaray wareega 16-ka tartanka champions League iyada oo ay dhamaystirmeen 8-da kooxood ee u tartami doona 8 dhamaadka tartanka champions League.

Kooxaha Man United, Man City, Tottenham iyo Liverpool ayaa ku soo baxay wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Kooxda Pep Guardiola ayaa 10/2 ku dhaaftay kooxda Schalke marka la isku daro goolasha labada lugood halka Man United dhamaystirtay soo laabasho cajiib ah PSG-na ku reebtay 3/3.

Kooxda Tottenham ayaa si raaxo leh ku garaacday kooxda Borussia Dortmund iyaga oo kaga badiyay 4/0 marka la isku daro labada lugood.

Ugu dambayn Liverpool ayaa xalay jiidhay kooxda Bayern Munich iyaga oo 3/1 uga badiyay kadib bar-baro ay ku kala bexeen lugtii hore.

Kadib dhamaystirka wareega 16-ka kooxaha premier League ayaa boodhka ka jaftay rikoodh ay wakhti hore ugu dambaysay.

Xilli ciyaareedkan ayaa ah midkii ugu horeeyay ee ay 4 kooxood oo premier League ah isugu yimaadaan 8 dhamaadka champions Leagye tan ilaa xilli ciyaareedkii 2008/2009.

Taas ayaa la macno ah in 10 sano kadib 4 koox oo premier League ah gaadheen 8 dhamaadka tartanka champions League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here