XOG: Khibrada Semi Finalka Ee Afarta Kooxood Ee UEFA Champions League Iskugu Soo Hadhay, Kulamadii Ay Dhexdooda Soo Ciyaareen, Natiooyinkii Ay Ka Heleen Iyo Xog Cajiib Ah Oo Aad U Baahan Tahay In Aad Ogaato.

0

Kooxaha Liverpool, Barcelona, Ajax iyo Tottenham ayaa noqday afarta kooxood ee xili ciyaareedkan iskugu soo hadhay afar dhamaadka UEFA Champions league. Afartan kooxood mid ka mid ah ayaa xili ciyaareedkan ku guulaysan doonta koobka kooxaha Yurub iyada oo labada kooxood ee ugu cad cad ee Barcelona iyo Liverpool uu midkood ku hadi doono afar dhamaadka tartankan.

Ajax oo wacdaro soo dhigtay ayaa tartan xoogan kala kulmi doonta Tottenham oo dhiiranaan layaableh ka soo heshay in ay Man City ka soo cidhibtirtay tartanka Champions League. Laakiin min imisa jeer ayay hore u soo wada ciyaareen kooxaha isku arki doona afar dhamaakda Champions league?

Shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa taariikhdii hore ee ay isku soo lahaayeen kooxaha Barcelona-Liverpool iyo Tottenham -Ajax.  Iyada oo waliba aanu eegi doono koox kasta oo afartan ka mid ahi rekoodhka ay ku leedahay kulamadii ay ka hortimid kooxaha dalka ay kooxdiisa wajihi doonto.

Dhamaadka warbixintan waxa kale oo aanu idiinku soo gudbin doonaa xogta khibrada koox kasta oo afar dhamaadka Champions League ay u leedahay heerka Semi-finalka tartankan iyada oo uu muuqan karto kala duwanaansho wayn oo u dhexeeya kooxaha koobka UCL ku dagaalami doona.

Halkan kaga bogo Xogta Is Horyimaadyadii hore ee Barcelona-Liverpool iyo Tottenham-Ajax:

Kulamadii Tottenham v Ajax 

Ajax 1-3 Tottenham
Tottenham 3-0 Ajax
(Wadarta Labadan Kulan: 6-1, 1981/82  Wareegii kowaad ee European Cup Winners’ Cup )

Xili ciyaareedkii 1981/82 kii kooxaha Tottenha iyo Ajax ayaa isakga hor yimid wareegii kowaad ee tartankii European Cup Winners’Cup waxaana labadii kulan saddex gool dhaliyay Mark Falco kaas oo Totteham ka caawiyay in ay reebtay Ajax.

Tottenham waxaa tababare u ahaa Keith Burkinshaw waxayna wadarta labada kulan Tottenham ku soo abxday 6-1 iyada oo kooxdii Ajax ee uu hogaaminayay Kurt Linder ay waji gabax wayn la kulantay waxayna Tottenham xili ciyaareedkaas soo gaadhay afar dhamaadkii tartankan laakiin Barcelona ayay guuldaro kala kulmeen.

Rekoodhka Tottenham  v Kooxaha Reer Holland: 9 Guulood, 5 barbaro ah iyo 3 guuldaro
Rekoodhka Ajax  v Kooxaha Reer England:: 7 Guulood, 7 barbaro ah iyo 8 guuldaro

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here