XOG: Karim Benzema Oo Ah Xiddiga Daqiiqadaha Ugu Badan Ciyaaray Yurub & Xog Muujinaysa Muhiimada Uu U Leeyahay Real Madrid.

Karim Benzema aya mar walba ahaa xiddig muhiim ka ah Real Madrid laakiin xilli ciyaareedkan waxa noqday mid uga muhiimsan wakhtiyadii hore.

Kulankii Espanyol xiddiga reer France ayaa dhaliyay 2 gool waliba soo bandhigay qaab ciyaareed u dhigma xiddig kasta oo adduunka ah.

Qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ayay dadku sheegayaan in ay rumaysan yihiin uun yahay qaab ciyaareedkii ugu fiicna ee uu Benzema soo bandhigay tan ilaa markii uu yimid Real Madrid.

“Waxa aan ahay No.9 leh ruunta No.10″ayuu Benzema yidhi kadib kulankii uu qaab ciyaareedka cajiibka ah soo bandhigay.

Muhiimada Benzema ee Real Madrid ayay cadayn u tahay Lambaradiisa isaga oo ciyaaray 2,607 daqiiqo oo ka mid ah 3,180 daqiiqo oo ay ciyaartay.

Xiddiga reer France ayaa kaliya seegay laba kulan oo ka mid ah lugtii 1-aad ee Copa Del Rey-ga ee Mililla iyo Leganes.

Marka laga hadlayo tartamada yurub ee 5-ta ah ee ugu waaweyn ma jiro weeraryahan kale oo ciyaaray qadiiqado ama kulamo ka badan Benzema.

Ku tiirsanaanta Real ee Xiddiga ayaa xitaa keentay in uu xiddigu ciyaaro isaga oo uu juulku jaban yahay laguna xidhay qalab ilaaliya inta uu ciyaarayo.

31 jirka ayaa la goolal ah xiddiga kooxda Barcelona ee Luis Suarez iyaga oo wada dhaliyay 15 gool kulamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here