XOG: Karim Benzema Oo 6 Sano Kadib Markii Ugu Horaysay Ka Fiican Luis Suarez & Xaqiiqo Muujinaysa Oo La Helay.

Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo u muuqda mid ka faa,iidaystay bixitaankii Cristiano Ronaldo.

Karim Benzema ayaa markii ugu horeeyay dhanka goolasha kaga fiican weeraryahanka kooxda Barcelona ee Luis Suarez tan ilaa 2014.

Luis Suarez ayaa horyaalka La Liga iyo Barcelona ku soo biiray xagaagii 2014 isaga oo kaga soo biiray kooxda Liverpool kadib koobkii adduunka ee Brazil ka dhacay.

Benzema ayaan sanadihii hore dhanka goolasha kaga fiicnayn Suarez isaga oo mar walba ka dambayn jira dhanka gool dhalinta tartamada oo dhan.

Laakiin wargayska AS ayaa shaaca ka qaaday in uu Karim Benzema markii ugu horaysay tan ilaa 2014 uu kaga fiican yahay dhanka gool dhalinta.

Suarez ayaa ilaa haatan xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan u dhaliyay kooxdiisa Barcelona 16 gool halka uu Karim Benzema dhaliyay 19 gool.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here