XOG: Kadib Rikoodhihii Loo Dhigay Liverpool Kulankii Newcastle, Goorma Ayaa Ugu Dambaysay Reds Oo Anfield Rikoodhe Ku Hesha Premier Leageu?

Kooxda Liverpool ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Newcastle kulan ka tirsanaa premier Leageu Todobaadkiisii 19-aad kana dhacay garoonka Anfield.

Goolal ay dhaliyeen Dejan Lovren, Mohamed Salah, Xherdan Shaqiri iyo Fabinho ayaa Liverpool ka caawiyay guul ay ka gaadho kooxda Newcastle United.

Liverpool ayaa loo dhigay Rikoodhk kulankan muddo dheer kadib markii khalad lagu galay Mohamed salah isla isagu gool u badalay kana dhaliyay gool.

Rikoodhahaad ayaa ah midkii ugu horeeyay ee loo dhigo Liverpool tan ilaa November 26, 2016 kulan ay Liverpool la ciyaaraysay kooxda Sunderland oo haatan ka ciyaarta horyaalka heerka 2-aad.

Taas ayaa la macno ah in aan Liverpool Anfield horyaalka premier league wax rikoodhe ah loogu dhigin muddo 424 maalmood ah iyada oo rikoodhihii ugu dambeeyay uu dhaliyay James Milner bishii November 26, 2016.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here