Kooxda Man United ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Fulham kulan ka tirsanaa todobaadkii 26-aad ee horyaalka premier League.
Red Devils ayaa ku soo laabatay kaalmaha 4-ta ah ee ugu sareeya kadib markii ay garaaceen kooxda Fulham kulan ay uga badiyeen 3/1 gool.
Guushaas ayaa ka caawisay in ay Man United ku dhamaysato maalintii shalay iyada oo ku jirta 4-ta kaalmood ee ugu sareeya horyaalka premier League.
Taas ayaa la macno ah in ay Man United 4-ta boos ee ugu sareeya ee premier League gashay markii ugu horaysay tan ilaa maalintii ugu horaysay markaas oo ay kaalinta 4-aad ee horyaalka gashay kadib markii ay 2/1 ku garaacday Leicester City.
Sidaas darteed kooxda Man United ayaa 4-ta kaalmood ee ugu sareeya horyaalka premier League ka maqanayd muddo 7 bilood ah.