XOG: Imisa Dhaawac Ayaa Soo Gaadhay Xiddigaha Real Madrid Shantii Bilood Ee Ugu Dambaysay?

0

Wargayska AS ayaa soo saaray Xog uu ku soo saartay dhaawacyada xiddigaha kooxda Real Madrid ee xilli ciyaareedkan kadib dhaawacii soo gaadhay Toni Kroos.

Waxa la filayaa in uu xiddiga reer Germany garoomada ka maqnaando muddo 2 ilaa 3 todobaad ah kadib markii uu dhaawac soo gaadhay kulankii Real Sociedad.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa ku biiray Liiska 3 xiddig oo horay dhaawac ugaga maqnaa kooxda Real Madrid kuwaas oo kala ah Mariano Diaz, Marco Asensio, Gareth Bale iyo Marcos Llorente.

Waxana la filayaa in ay kooxda Real Madrid dib u hesho xiddigaha dhaawacan inta ka dhiman bishan iyaga oo seegi doono kulamo dhawr ah.

Real Madrid ayay sugayaan kulamo 5 ah oo tartamada oo dhan ah iyaga oo ay noqon doonto 7 kulan hadii ay dhaafaan kooxda Leganes tartanka Copa Del Rey-ga.

Xogta ay Wargayska AS soo saaray ayaa sheegaya in ay Real Madrid soo gaadheen 30 dhaawac 5-tii bilood ee ugu dambaysay.

Dhaawacyada ayay 22 ka mid ah yihiin muruqa taas oo sheegaysa dhibaatada kooxda ee dhanka jir ahaanta ah ee haysata ee kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here