XOG: Hal Arin Oo Guul U Saadaalinaysa Man City Kulanka Ay La Ciyaari Doonaan Liverpool, Muxuu Yahay?

0

Indhaha taageerayaasha adduunka ayaa ku jeedsan doona habeen dambe kulanka xiisaha leh ee ay Man City marti galin doonto kooxda Liverpool kulan ka tirsan todobaadkii 21-aad ee horyaalka premier League.

Liverpool ayaa kulanka u soo galaysa si ay guul u gaadho una sii fiicnayso fursadeheeda ku guulaysiga horyalka 9 dhibcoodna ku qabato hogaanka horyaalka halka ay Man City ku qasbantahay in ay guul gaadho hadii ay doonayso in ay u tartanto horyaalka premier league.

Markii ugu dambaysay ee ay Man City 2 kulan oo xiriir ah guuldaro kala kulantay garoonkeeda ayaa ah bishii February ee sanadkii 2016 markaas oo ay guuldarooyin kala kulantay Leicester Cit (3/1) iyo Tottenham (2/1).

Dhanka kale Tababare Pep Guardiola ayaan waligiis 2 kulan oo xiriir ah guuldaro kala kulmin garoonkiisa horyaalka hadii uu ahaa horyaaladii La Liga markii uu Barcelona hogaaminayay ama horyaalka Bundesliga markii uu hogaaminayay Bayern Munich.

Taas ayaa la macno ah in uu rikoodhkaas gacanta sare siinayo guulna u saadaalinayo kooxda Man City ka hor kulanka ay la ciyaari doonaan Liverpool.

Kooxda Man City ayaa kulankii ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay Etihad guuldaro 3/2 ah kala kulantay kooxda Crystal Palace.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here