Horyaalada kala duwan ee ugu waaweyn yurub ee 5-ta ah ayaa maraya meel xiiso iyo xamaasad leh iyada oo koox walba u dadaalayso sidii ay sida ugu fiican ugu dhamaysan lahayd horyaalka.
Dhamaadka horyaalada kala duwan ayaa si aad ah u soo dhawaanaya iyada oo kulamo la tirin karo ka hadhsan yihiin dhamaadkooda.
Inta badan waxa ay taageerayaasha kubada cagtu si gaar ah ula socdaan gool dhalinta 5-ta horyaal ee ugu waaweyn yurub kuwaas oo xiiso gaar ah leh.
Laakiin waxa jira tartan xoogan uu ka dhexeeya goolhayayaasha kala duwan ee ka ciyaara 5-ta horyaal ee ugu waaweyn yurub xilli ciyaareedkan.
Goolhayayaasha kala duwan ee kooxaha horyaalada ugu waaweyn ayaa ku dadaalaya sidii ay shabaqooda u ilaashan lahaayeen kulamada ugu badan.
Goolhayaha Liverpool ee Alisson ayaa ah goolhayaha kulamada ugu badan ilaashaday shabaqiisa 5-ta horyaalk ee ugu waaweyn yurub.
Goolhayaha Man City ee Ederson iyo Goolhayaha Kooxda Atletico Madrid ee Oblak ayaa ku xiga oo shabaqooda ilashada kulamada ugu badan.
Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Goolhayayaasha Shabaqooda ilaashada horyaalada Premier League, Serie A, La Liga Bundesliga iyo Ligue 1.
Premier Leageu:
Alisson: (Liverpool) 16 Kulan
Ederson: (Man City) 13 Kulan
Kepa: (Chelsea) 11 Kulan
Martin Dubravka (Newcastle) 9 Kulan
Hugo Lloris (Tottenham) 9 Kulan
David De Gea (Man United) 7 Kulan.
Serie A:
Samir Handanovic: (Inter Milan) 12 kulan
Salvatore Sirigu (Turin) 11 Kulan
Wojciech Szczesny: (Juventus) 9 kulan
Emil Audero (Sampdoria) 9 Kulan
La Liga:
Jan Oblak (Atletico Madrid) 13 Kulan
Marc-André ter Stegen (Barcelona) 10 Kulan
David Soria (Getafe) 8 Kulan
Fernando Pacheco (Alaves) 8 Kulan
Iago Herrerín (Sevilla) 8 Kulan
Bundesliga:
Péter Gulácsi: (RB Leipzig) 10 Kulan
Yann Sommer (Borussia Mönchengladbach) 10 Kulan
Koen Casteels: (VfL Wolfsburg) 8 Kulan
Manuel Neuer: (Bayern Munich) 7 Kulan
Roman Bürki: (Borussia Dortmund) 7 Kulan
Ligue 1:
Edouard Mendy: (Stade Reims) 11 Kulan
Walter Benítez: (OGC Nizza) 10 Kulan
Ludovic Butelle: (SCO Angers) 10 Kulan
Benjamin Lecomte (HSC Montpellier) 9 Kulan
Mike Maignan: (OSC Lille) 9 Kulan