XOG: Gerard Pique Oo Rikoodh Gaar Ah Ku Leh Champions League, Sergio Ramos & Dani Alves Ayuu Ka Horeeyaa

Sergio Ramos ayaa laga yaabaa in uu ka soo muuqanayay boga hore ee wargaysyada sabab la xidhiidha gool dhalintiiisa xilli ciyaareedkan laakiin Gerard Pique oo ah xiddigaha ugu goolasha badan dhanka daafaca tartanka champions League ayaa wali ciyaaraya.

Daafaca dhexe ee kooxda Barcelona ayaa tartamada yurub dhaliyay 13 gool tan ilaa markii uu kulankiisii ugu horeeyay saftay tartanka 2004 isaga oo u saftay Man United.

Goolkiisii ugu horeeyay ee champions League ayuu u dhaliyay Man United kulan ay Red Devils la ciyaaraysay kooxda Dynamo Kyiv iyo kulan ay AS Roma la ciyaaraysay Man United sanadkii 2007/2008.

Pique ayaa ku soo laabtay Barcelona wixii intaas ka dambeeyay isaga oo kaliya ku fashilmay tan ilaa haatan in uu gool dhaliyo laba xilli ciyaareed champions kuwaas oo kala 2011/12 & 2012/13.

13-ka gool ee uu ka dhaliyay champions League ayuu kula bar-baro yahay halyeeyga Barcelona ee Ronald Koeman isaga oo ka horeeya xiddigaha Dani Alves oo dhaliyay 12 gool iyo Sergio Ramos oo dhaliyay 11 gool.

Waxa isaga ka horeeya halyeeyga Real Madrid ee Roberto Carlos kaas oo dhaliyay 16 gool iyo Ivan Helguera oo dhaliyay 15 gool.

Dhanka kale marka uu gaadho 100 kulan oo champions League Pique ayaa noqon doona xiddiga 5-aad ee Barcelona ee sidaas sameeyay kadib Xavi Hernandez (153), Leo Messi (129), Andres Iniesta (130) & Sergio Busquets (100).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here