XOG: Cristiano Ronaldo Oo Uu Hor Yaalo Tartan Aan Suurtagal Ahayn Si Uu U Bar-Bareeyo Lionel Messi

Kulanka Maanta ee Sampdoria, Cristiano Ronaldo ayaa ciyaari doona kulankiisii ugu dambeeyay ee sanadka 2018 isaga oo qalbiga ku haya 3 rikoodh.

Midka 1-aad ayaa ah in uu kooxdiisa ka caawiyo in ay guul ku soo xidhato sanadka, midka 2-aad ayaa ah in uu gaadho goolkiisii 50-aad ee sanadka markii 8-aad oo xiriir ah xirfadiisa ciyaareedk halka uu midka kale yahay midka ugu adag kaas oo ah in uu la bar-bareeyo Leo Messi waliba dhaliyo goolkiisii 51-aad ee sanadka 2018.

Shaqadaas ayaa ah mid adag marka loo eego in uu kaliya Italy dhaliyay 2 gool kaliya oo uuna wax ka badan dhalin.

Xiddiga reer Argentine ayaa dhaafay 50 gool 8 jeer intii u dhexaysay sanadaha 2010 ilaa 2018, Waxa uu sanadihii 2013 dhaliyay 45 gool 47 kulan.

Tan ilaa 2011 Ronaldo ayaa mar walba dhaliyay in ka badan 50 gool sanadka rikoodhkiisii ugu fiicnaa ayaa yimid sanadkii 2013 isaga oo dhaliyay 69 gool.

ilaa haatan 2018 Ronaldo ayaa dhaliyay 28 gool oo Real Madrid ah 6 gool oo Portugal ah halka uu ilaa haatan u dhaliyay 13 gool oo kooxda Juventus taas oo la macno ah in uu dhaliyay 47 gool guud ahaan.

Hadii uu Doonayo in uu bar-bareeyo 51-ka gool ee uu dhaliyay Leo Messi sanadka 2018 waxa uu u baahan yahay in uu dhaliyo 4 gool halka uu u baahan yahay 5 gool hadii uu u baahan yahay in uu dhaafo.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here