XOG: Cristiano Ronaldo Oo Sii Wada Samaynta Taariikhda Tartanka Champions League

Taariikh Samaynta ayaa si aad ah ugu timaada Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo.

Weeraryahanka kooxda Juventus ayaan wali joojin in uu noqdo mid soo muuqda wakhtiga muhiimka ah ee ay kooxdiisu u baahantahay tan ilaa markii uu ka tagay kooxda Juventus isaga oo dhaliyay gool kale kulankii ay Juventus bar-baraha la gashay kooxda Ajax.

Guud ahaan Ronaldo ayaa dhaliyay 64 gool wareega bug baxa tartanka champions League taas oo ka fiican 61 gool ee uu dhaliyay wareega Group-yada tartanka.

Goolasha 64-ka ah ee uu ka dhaliyay wareega Bug baxa ayaa loo kala jabin karaa 23 gool oo uu ka dhaliyay wareega 16-ka, 24 gool oo 8 dhamaadk ah, 13 Semi-finalka ah iyo 4 finalka ah.

Guud ahaan champions League xiddiga ayaa ka dhaliyay 125 gool 161 kulan oo uu ciyaaray tartanka ugu qiimaha weyn tartamada yurub laga ciyaaro.

Ma jiro xiddig ka guulo badan taariikhda tartanka xiddiga reer Portigal isaga oo sidoo kale ah xiddiga kaliya ee gool dhaliyay 11 kulan oo xiriir ah tartanka champions League.

Waxa intaas sii dheer in uu yahay xiddiga ugu goolasha badan tartamada yurub isaga oo dhaliyay 127 gool halka uu sidoo kale xiddiga ugu fiican UEFA ee sanadka ku guulaystay inta ugu badan isaga oo ku guulaystay 4 jeer.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here