XOG: Cristiano Ronaldo Oo Sii Wada Ku Guulaysiga Koobabka, Imisa Koob Ayuu Marayaa?

Kabadhka Cristiano Ronaldo ee koobabka ayaa sii weynaanaya kadib markii ay Juventus 1/0 uga guulaysatay kooxda Ac Milan koobka Supercoppa Italiana.

Kadib markii uu wax walba kula guulaystay Real Madrid xiddiga reer Portugal ayaa xagaagii ku biiray kooxda Juventus waxana uu wali sii wadaa ku guulaysiga koobabka.

Qolkiisa Koobabka ayay haatan ku jiraan 26 koob kadib markii uu ku guulaystay koobkii Supercoppa Italiana xalay.

Xiddiga ayaa koobab kaga guulaystay Portugal, England, Spain Iyo haatan Italy isaga oo kala matalay kooxo kala duwan.

Arintaas ayaa ka bilaabatay koobka Portuguese Super Cup oo uu kula guulaystay Sporting Lisbon isaga oo jira kaliya 17 sano jir.

Waxa uu kaydka ku bilowday kulankii ay Sporting 5/1 uga badisay kooxda Leixoes maalmo kadib markii uu kulankiisii ugu horeeyay u ciyaaray waxana uu ahaa koobkii kaliya ahaa ee uu kula guulaystay kooxdiisii ugu horaysay.

Old Trafford Cristiano ayaa Man United kula guulaystay 9 koob kuwaas oo kala ah 3 premier League, Hal FA Cup, 2 Carabao cup, Hal Community Shield, Hal Champions league iyo Hal Club World cup iyada oo ay u dheertahay hal Ballon d’Or.

Kadib xiddiga 33 jirka ah ayaa yimid Real Madrid halkaas oo uu kula guulaystay 15 koob oo kala ah Hal La Liga, 2 Copa Del Rey, 2 Spain super Cup, 2 UEFA Super Cup, 3 Club World Cup Iyo 4 Champions League waxana intaas u dheer 4 Ballon d’Or.

Italy finalkiisii ugu horeeyay ee uu u ciyaaray kooxdiisa cusub waxa uu ku guulaystay koob isaga oo waliba madaxiisa ugu qaaday.

Waxa intaas sii dheer in uu dhaliyay 19 Filan oo uu gool dhaliyay tan ilaa markii uu bilaabay ciyaarista kubada cagta.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here