XOG: Cristiano Ronaldo Oo Markii Ku Fashilmay Rikoodh Uu Caado U Lahaa & Faah-Faahinta Rikoodhkaas

Cristiano Ronaldo ayaa markii ugu horaysay ku fashilmay rikoodh uu caado u lahaa in uu ka dhigo kubada cagta kadib kulankii ugu dambeeyay ee uu ciyaaray sanadka 2018.

Inkasta oo uu dhaliyay 2 gool kulankii ay kooxda Juventus guusha 2/1 ah ka gaadhay kooxda Sampdoria kulan ka tirsanaa Horyaalka Serie A-da hadana Ronaldo ayaan gaadhin rikoodh uu caado u lahaa.

Rikoodhkaas ayaa ah in uu markii ugu Horaysay tan ilaa 2010 Cristiano Ronaldo ku fashilmay in uu gaadho 50 gool sanadka buuxa hadii ay noqoto goolasha xulka ama kooxdiisa.

Sanadka 2018 Ronaldo ayaa dhaliyay 28 gool oo Real Madrid ah 6 gool oo Portugal ah halka uu ilaa haatan u dhaliyay 15 gool oo kooxda Juventus taas oo la macno ah in uu dhaliyay 49 gool guud ahaan.

Taas ayaa la macno ah in uu Ronaldo markii ugu horaysay tan ilaa 2010 ku fashilmay in uu dhaliyo 50 gool sanadka buuxa kadib markii uu ku dhamaystay 49 gool.

Halkan Hoose kaga bogo goolashii uu dhaliyay 2011 ilaa 2018 sanadka buuxa

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here