XOG CAJIIB AH: Lionel Messi Oo Taariikh Aan Abid Laga Dhigin Barcelona Dhigi Doona & Faah-Faahinta Cajiibka Ah Ee Rikoodhkaas

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaan joojinayn sii wado baacsiga rikoodhada isaga oo sii wada in uu qeexo buuga taariikhda, kooxda Barcelona ayaa hal gacan ku qabatay horyaalka La Liga kadib markii ay garaaceen kooxda Atletico Madrid kulan ka dhacay Camp Nou.

Ku Guulaysiga horyaalka La Liga ayaa Lionel Messi ka dhigaysa in uu kor u qaado koobkiisii 10-aad ee Horyaalka La Liga isaga oo gaadhi doona Lambarka ugu qoran dhabarkiisa.

Ma jiro xiddig Barcelona ah oo badi sameeyay rikoodhkaas kooxdana kula guulaystay 10 horyaal oo La Liga ah isaga oo haatan la bar-baro ah halyeeyada Xavi, Iniesta iyo Pique kuwaas oo min 9 La Liga ku guulaystay.

Hadii ay Barcelona ku guulaysato horyaalka La Liga Messi ayaa gali doona taariikhda isaga oo la mid noqon doona kaliya 5 xiddig oo taariikhda kubada cagta ku guulaystay 10 koob oo Maxali ah 5-ta horyaal ee ugu waaweyn ee England, Spain, Italy, Germany iyo France.

5-taas xiddig ayaa u soo kala ciyaaray Real Madrid, Iyo Man United Iyaga oo kala ah Ryan Giggs (Man United, 13), Paul Scholes (Man United, 12), Gento (Real Madrid, 12), Parri (Real Madrid, 10) Iyo Garry Neville (Man United, 12).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here