XOG: Barcelona & Real Madrdi Oo Ugu Dambayn Bar-Baro Ka Noqday Guulaha Kulanka El Clasico

0

Kulan ay labada kooxood kala qaybsadeen kooxda Barcelona ayaa mar kale dhulka dhigtay kooxda Real Madrid kulan ka dhacay Santiago Bernbue kana tirsanaa tartanka Copa del Rey-ga.

Goolal yimid qaybtii dambe ayaa Barcelona ka caawisay in ay guul ka gaadho kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Real Madrid.

Kadib guushaas kooxda Barcelona ayaa ugu dambayn bar-baraysay guulaha taariikhda El Clasico kadib markii ay Real Madrid guulo badnayn.

Barcelona ayaa haatan badisay 95 kulan halka ay Real Madrid badisay 95 kulan taariikhda kulamada El Clasico tartamada oo dhan.

Real Madrid ayaa markii hore badnayd guulaha kulamada tooska ah ee labada kooxood laakiin haatan labada kooxood ayaa ha bar-baro.

Waxa haatan la sugi doonaa kooxda gacan saraysa guulaha kulanka El Clasico ee Sabtida ku dhex mari doona isla garoonka Santiago Bernbue kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Barcelona: 95

Real Madr: 95

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here