XOG: Barcelona Oo Hal Gaan Ku Sii Qabsatay Horyaalka La Liga & Xog Muujinaysa

Kooxda Barcelona ayaa hal gacan ku qabsatay horyaalka La Liga, kooxda reer Catalonia ayaa la soo yareeyay dhibcaha ay ku haysay horyaalka laakiin kadib guuldaradii Real Madrid ka soo gaadhay Girona waxa ay ka caawisay in ay sii dheeraystay hogaanka horyaalka.

Real Madrid guul muhiim ah ka gaadhay Atletico Madrid halka ay Barcelona Barb-baro la gashay kooxda Atletico Bilbao laakiin hal todobaad kadib Barcelona ayaa dib u heshay Fursad ay ku guulaysan karto horyaalka.

Kooxda tababare Ernesto Valverde ayaa haatan 7 dhibcood oo cadaan ah ka horeeya Atletico Madrid halka ay 9 dhibcood ka horayso Real Madrid ka hor kulankooda El Clasico.

Taariikhda ayaa sheegaysa in ay kooxda Barcelona ku guulaystay horyaalka La Liga iyada oo ay taariikhdu sheegayso in ayna kooxna tartanka horyaalka Lumin kadib 7 dhibcood oo ay ku horayso hogaanka horyaalka La Liga.

Kooxdii ugu dhawdy ee soo yaraysay dhibco looga horeeyo horyaalka kuna guulaystay La Liga ayaaa ahayd Real Madrid iyada oo xilli ciyaareedkii 2006/2007 ku guulaystay horyaalka La Liga iyada oo 6 dhibcood ka horaysay hogaamiyayaasha horyaalka.

Sidaas darted taariikhda ayaa sheegaysa in ay Barcelona hal gacan ku sii qabsatay horyaalka inkasta oo kubada cagta wax walba ka dhici karaan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here