XOG: Arsenal Vs Man United: Xog Cajiib Ah Oo Ku Saabsan Kulanka Arsenal & Man United Ee FA Cup-ka.

0

Isku aadka FA Cup-ka ayaa la sameeyay xalay iyada oo uu ka soo baxay kulan si weyn loo sugayo oo ay isaga hor iman doonaan kooxaha ugu guulaysiga koobka FA Cup-ka.

Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda Man United kulan xiiso leh oo ka tirsan wareega 4-aad ee tartanka FA Cup-ka.

Kooxaha Arsenal iyo Man United ayaa ah labada kooxood ee ugu guulaysiga badan tartanka FA Cup-ka iyada oo Arsenal ku guulaystay 13 jeer halka ay Man United ku guulaystay 12 jeer.

Hadaba Kadib isku aadkii xalay waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa laba xaqiiqo oo cajiib ah oo ku saabsan kulanka Arsenal iyo Man United ee FA Cup-ka.

1.Kooxda Man United ayaa FA Cup-ka ka reebtay Arsenal in ka badan koox walba oo tartanka ah iyada oo ka reebtay 7 jeer.

2.Kooxda Arsenal ayaa FA Cup-ka ka reebtay Man United in ka badan koox walba oo tartanka ah iyada oo ka reebtay 7 jeer iyada oo ay ku jiraan guulaha Final-ka tartanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here