XOG: Arintan Ma Tahay Sababata Uu Santiago Solari U Safi Laa Yahay Isco?

0

Xaalada Isco ee Real Madrid ayaa ka fog in xal loo helo xilli la helay xog muujinaysa in ay Real Madrid dhibaatooto marka uu xiddiga reer Spain ku bilowdo shaxda Los Blancos.

Tan ilaa markii uu Santiago solari la wareegya maamulka Los Blancos waxa jira 6 kulan oo uu xiddigii hore ee Malaga gabi ahaan laga reebay shaxda iyada oo Los Blancos dhamaantood badisay.

Xogta ayaa muujinaysa in ay Real Madrid badisay 7 kulan oo ka mid ah 11-kii kulan ee uu xiddigu ku bilowday shaxda Kooxda.

Kooxda uu hogaamiyo Solari ayaa badisay 100% kulamada uuna ku bilaaban Isco tartamada oo dhan iyaga oo ciyaaray 6 kulan dhamaantoodan badiyay halka 63.6% laga badiyay kulamada uu ku bilowday.

Isco ayaa mar kale kaydka galay kulankii ay Los Blancos guusha ka gaadhay kooxda Real Betis kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here