XOG: Arin La Yaab Leh Oo Ay Isaga Mid Yihiin Hogaamiyayaasha Horyaalada Yurub Ugu Waaweyn Kadib Kulamadii Todobaadkan.

Waxa todobaadkan horyaalada yurub ugu waaweyn lagu arkay xog la yaab leh oo kulmay hogaamiyayaasha horyaalada yurub kuwa ugu waaweyn.

Waxa la ciyaaray kulamo kala duwan oo horyaalada yurub kuwooda ugu waaweyn ah ee sida weyn loo daawado ama loo xiiseeyo.

Xogtaa ayaa ah in todobaadkan dhamaan la wada qabtay hogaamiyayaasha horyaalada ugu waaweyn yurub kuwaas oo laga badiyay ama lala bar-bareeyay.

Horyaalka Bundesliga ayaa bar-baro lagu qabtay hogaamiyayaashooda Borussia Dortmund, Halka Horyaalka Serie A-da bar-baro lagu qabtay hogaamiyayaashooda Juventus.

Horyaalka La Liga ayaa bar-baro lagu qabtay hogaamiyayaashooda Barcelona halka Horyaalka Portugal bar-baro lagu qabtay hogaamiyayaashooda FC Porto.

Hogaamiyayaasha Horyaalka Ligue 1 ee PSG ayaa lagu garaacay 2/1 iyada oo kooxda Lyon dhinacooda dhulka dhigtay dushana u saartay guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka.

Ugu dambayn hogaamiyayaasha horyaalka premier League ee Liverpool ayaa xalay martay wadada hogaamiyayaasha horyaalada kale kadib markii ay bar-baro la gashay kooxda West Ham.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here