XOG: Alisson Becker Oo Isku Qoray Taariikhda Premier League, Rikoodh Cajiib Ah Ayuu Dhigay

0

Goolhayaha kooxda Liverpool ee Alisson Becker ayaa wali sii wada isku qorista taariikhda premier League kadib guushii ay Liverpool guusha ka gaadhay kooxda Huddersfield kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Kooxda Liverpool ayaa Huddersfield ku garaacday 5/0 kulan ka tirsanaa horyaalka premier League todobaadkii 36-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhacay garoonka Anfield.

Reds ayaa shabaqeeda ilaashatay kulanka inkasta oo ayna Liverpool wax fursado badna oo halis ah la kulmin hadana Alisson ayaa shabaqiisa ilaashaday dhawr kubadood oo khatar ahaa.

Taas ayaa la macno ah in uu Alisson Becker shabaqiisa ilaashaday 20 kulan oo premier League xilli ciyaareedkan isaga oo 6 kulan dheer goolhayaha ugu soo dhaw oo ah Ederson oo 16 kulan shabaqiisa ilaashaday.

Goolhayaha reer Brazil ayaa noqday Goolhayihii 5-aad ee taariikhda horyaalka premier League shabaqiisa ilaashada 20 kulan kadib kulankii Huddersfield ee horyaalka premier Leagu.

Goolhaye Alisson ayaa ka dambeeya 4 goolhaye oo hore kuwaas oo kala ah Petr Cech, Edwin Van der Sar, Peter Schmeichel, iyp Pep Reina oo 2 xilli ciyaareed sidaas sameeyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here