XOG: Alisson Becker Oo Boodhka Ka Jafay Rikoodh 10 Sano Ka Hor Laga Dhigay Premier League

0

Kooxda Liverpool ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Cardiff City kulan ka tirsnaa horyaalka premier League todobaadkii 35-aad kana dhacay garoonka Cardiff City Staduim.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Georginio Wijnaldum iyo James Milner ayaa Reds ka caawiyay in ay gaadho guul 2/0 ah oo ay ka gaadhay kooxda reer Wales kana caawisay in ay sii wadaan tartanka horyaalka.

Goolhayaha Liverpool ee Alisson Becker ayaa shabaqiisa ilaashaday kulanka isaga oo aan la kulmin tijaabo weyn maadama ayna kooxda Cardiff City weeraro badan ku qaadin kooxda Liverpool.

Alisson ayaa shabaqiisa ilaashada kulankii 19-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib markii ayna Cardiff wax gool ah dhalin kulankii xalay ee premier League.

Taas ayaa la macno ah in uu Alisson Becker noqday goolhayihii ugu horeeyay ee shabaqiisa ilaashada 19 kulan oo premier League ah xilli ciyaareed kaliya tan ilaa sanadkii 2009.

Goolhayaha reer Brazil ee Alisson Becker ayaa shabaqiisa ilaashaday xilli ciyaareed kaliya 19 kulan markii ugu horaysay muddo 10 sano ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here