XOG: 7 Xaqiiqo Oo Laga Bartay Kulankii Liverpool Xasuuqday Huddersfield.

0

Kooxda Liverpool ayaa xasuuqday kooxda Huddersfield kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa horyaalka premier League todobaadkii 36-aad iyaga oo la wareegay hogaanka horyaalka premier League.

Goolal ay dhaliyeen Naby Keita, Sadio Mane (2), Mohamed Salah (2) ayaa Reds ka caawiyay in ay Didida dul mariso kooxda wakhti horeba horyaalka ka dhaadhacday ee Huddersfield.

Hadaba waxa aan halka ku soo bandhigi doonaa xogtii laga diwaan galiyay kulankii Reds gumaaday Huddersfield:

1.Goolashii Liverpool oo dhan ee kulankii Huddersfield ayay dhaliyeen xiddigah ka soo jeeda Africa waana markii ugu horaysay ee ay sidaas ka dhacdo horyaalka premier League kulan kaliya.

2.Liverpool ayaa dhalisay 50 gool oo premier League ah xilli ciyaareedkan marka ay ku ciyaarayso garoonkeeda waana rikoodhkeedii ugu fiicnaa Abid iyaga oo dhaafay rikoodhii ay dhigeen 2013/2014 markaas oo ay dhaliyeen 49 gool halka ay sidoo kale markii ugu horaysay gaadheen 50 dhibcood tan ilaa 1987/1988.

3.Alex Oxlade-Chamberlain ayaa ku soo laabtay shaxda Liverpool kulan Rasmi ah markii ugu horyasay tan ilaa 24 April 2018 isaga oo garoomada ka maqnaa 1 sano iyo 2 maalmood.

4.Kooxda Liverpool ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee ay laba xiddig u dhaliyaan 20 gool iyo wax ka badan xilli ciyaareedkan iyaga oo ay u dhaliyeen xiddigaha Mane iyo Salah halka ay isla Liverpool rikoodhkaas horay uga dhigtay premier League markii ay Suarez & Sturridge sidaas sameeyeen xilli ciyaareedkii 2013/2014.

5.Mohamed Salah ayaa noqday xiddigii 3-aad ee Liverpool ah ee Taariikhda Liverpool u dhaliya 20 gool iyo wax ka badan 2 xilli ciyaareed oo xidhiidh ah isaga oo ka dambeeya xiddigaha Robbie Fowler (1994-95 & 1995-96) Iyo Luis Suárez (2012-13 & 2013-14).

6.Andrew Robertson ayaa noqday 3-aad ee caawiye ka noqday 11 gool xilli ciyaareed kaliya isaga oo bar-bareeyay xiddigaha Leighton Baines (11, 2010-11) & Andy Hinchliffe (11, 1994-95).

7.Goolkii uu Naby Keita u dhaliyay Liverpool ayaa noqday midii ugu deg-deg badnaa ee ay Reds Abid ka dhalisay taariikhda premier League 15 il bidhiqsi ayay ku qaadatay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here