XOG: 5 Kooxood Oo Ku Guulaysan Kara Saddexley Koobab Ah Xilli Ciyaareedkan

Ku Guulaysiga dhamaan koobabka la ciyaaro xilli ciyaareedka ayaa ah riyo ay sanad walba ku riyoodaan Kooxaha kala duwan ee reer yurub waana rikoodh taariikhi ah oo aan inta badan dhicin.

Kooxda PSG ayaa ahayd kooxda ugu cad-cad in ay sanadkan ku guulaysato dhamaan koobabka ay ka ciyaarto laakiin waxa ay si lama filaan ah uga hadhay tartanka kadib guuldaro ay kala kulantay kooxda Man United.

Kooxda FC Porto ayaa haatan u sharaxan in ay ku guulaysato saddex koob xilli ciyaareedkan marka loo eego in ay ku jirto dhamaan tartamada ay ka ciyaarayso xilli ciyaareedkan.

Kadib markii ay Real Madrid ka badiyeen kooxda Ajax ayaa dhankeeda u tartamasa ama u sharaxan ku guulaysiga saddex koob xilli ciyaareedkan kuwaas oo kala ah horyaalka Holland, Koobka Holland iyo champions League.

Dhanka England kooxda Man City ayaa ku guulasan karta 4 koob xilli ciyaareedkan marka loo eego in ay haatanba ku guulaystay Carabao cup-ka sidoo kale u tartamayso premier League, FA Cup-ka iyo Champions league.

Kooxda Barcelona ayaa ah kooxda kaliya ee xilli ciyaareedkan u sharan in ay ku guulaysato 3 koob marka loo eego in ay u tartamayso dhamaan koobabka ay ciyaarayso.

Kooxda Bayern Munich ayaa dhankeeda u sharaxan in ay ku guulaysato 3 koob kuwaas oo kala ah Bundesliga, Champions League iyo Koobka Germany.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here