XOG: 4 Kooxood Oo Sanadka 2018 Dhamaystay Iyaga Oo Aan Loo Taagin Kaadh Cas, Real Ayaa Ku Jirta

0

Sanadka 2018 ayaa dhamaan doona maalinta Iyada oo maalinta Bari ah si Rasmi ah loo gali doono sanadka 2019 iyada oo uu sanadka 2018 noqon doono sanad xasuusta u gali doona 3 kooxood oo La Liga ah.

Kooxaha Real Madrid, Espanyol & Real Betis ayaa sanadka 2018 dhamaystay iyaga oo aan wax kaadh cas ah loo taagin.

Si la mid ah kooxaha horyaalka Bundesliga ee Borussia Monchengladbach ayaa ah kooxda kaliya ee soo raacda 3-da reer Spain ee aan kaadhka cas loo taagin xidigeheeda sanadka 2018.

Real Madrid ayaa rikoodhkan u digtay si cajiib ah marka loo eego xaqiiqada ah in ay ciyaaraan kulamada ugu badan ee tartamada kala duwan.

Los Blancos ayaa ciyaartay tartanka champions league si la kid ah UEFA Super cup iyo waliba koobkii ugu dambeeyay ee Club World cup.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here