XOG: 10-ka Xiddig Ee Premier League Ugu Fiican Ka Saarista Kubada Lugaha Xiddigaha Kale Dhexdooda Oo La Soo Saaray

Xiddiga Alex Iwobi ayaa kala qaybiyay fikradaha taageerayaasha Arsenal laakiin waa midka ugu fiican marka hal shaqo laga hadlayo.

Xogta ayaan been sheegayn marka laga hadlayo xiddigaha ugu badan ee premier League kubada ka saara labada lugood ee xiddigaha kale.

22 jirka ayaa ugu sareeya Liiska xiddigaha ugu fiican ee kubada ka dhex saaray labada lugood ee xiddigaha kale sanadka 2018.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda West Ham ee Felipe Anderson labada xiddig ayaa kubada ka dhex saaray lugaha xiddigaha kale min shan jeer.

Waxa ku xiga xiddigaha kooxda Man City iyo chelsea ee Eden Hazard iyo Leroy Sane halka uu xiddiga man United ee Ashley Yaung Ku jiro kaalinta 5-aad.

Waxa ku sii xiga xiddigaha Ayoze Perez, Roberto Firmino, Danny Rose Nathan Redmond iyo xiddiga Crystal Palace ee Wildfried Zaha.

Halkan Hoose Kaga Bogo 10-ka xiddig ee Sanadka 2018 premier Leageu kubada ka dhex saaray Lugaha xiddigaha Kale;

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here