XOG: 10-ka Kooxood Ee Ugu Weerarka Fiican Horyaalada Yurub Ilaa Haatan Xilli Ciyaareedkan

0

Waxa dhamaad ku dhaw qaybtii hore ee xilli cyaareedka horyaalada yurub iyada oo fasax la gali doono horyaalada Spain, Italy iyo France kuwaas oo mudd 2 todobaad ah garoomada ka maqnaan doona sababo la xidhiidha fasaxa ciida gaalada halka horyaalka premier League la ciyaari doono maalmaha soo socda.

Kooxda PSG ayaa ah kooxda ugu weerarka fiican horyaalada ugu waaweyn yurub iyaga oo dhaliyay 50 gool 17 kulan oo ay ciyaareen horyaalka France iyada oo ay xiddigaha Neymar,Mbappe iyo Cavani yihiin xiddigaha hogaaminaya weerarka.

Waxa kaalinta 2-aad ku jirta iyada oo dhalisay 48 gool 17 kulan oo ay ciyaareen horyaalka La Liga halka ay ku xigto kooxda Man City oo dhalisay 50 gool laakiin ciyaartay 18 kulan kana kulamo badan Man City.

Hadaba Halkan Koose Kaga Bog Liiska kooxaha ugu weerarka Fiican Yurub ilaa haatan:

PSG: 17 Kulan 50 gool
Barcelona: 17 kulan 48 gool
Man City: 18 kulan 50 gool
Borussia Dortmund: 18 kulan 44 gool
Arsenal: 18 kulan 40 gool
Liverpool: 18 kulan 39 gool
Bayern Munich: 17 kulan 36 gool
Borussia Mönchengladbach: 17 kulan 36 gool
Juventus: 17 kulan 34 gool
Napoli: 17 kulan 34

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here