Xiriirka U Dhexeeya Jurgen Klopp & Mohamed Salah Oo Gabi Ahaanba Bur-Buray

0

Xiriirka u dhexeeya tababare Jurgen Klopp iyo xiddiga Ugu muhiimsan kooxda ee Mohamed salah ayaa lagu soo waramayaa in uu bur-buray xillli uuna tababaraha reer Germany wax xiriir ah la lahayn xiddiga reer Masar.

Saxaafada reer Spain ayaa todobaadkii hore sheegtay in uu xiddiga reer Masar dalbaday in uu isaga tago kooxda kadib markii uu khilaaf weyn soo kala dhex galay isaga iyo tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp.

Laakiin wakiilka xiddiga ayaa saacado yar kadib biyo qabaw ku shubay warkaas isaga oo sheegay in ayna waxba ka jirin wararkaas xiddiguna ku faraxsan yahay kooxda Liverpool ee uu hogaamiyo Jurgen Klopp.

Si kasta ha ahaatee wargayska The Sun oo soo xigtay ilo wareedyo France ah ayaa mar kale sheegaya in xiriirka Klopp iyo Salah ay marayso meel xun labadooduna wax xiriir ah lahayn haatan.

Mohamed Salah ayaa doonayay in uu laagto rikoodhadii kulankii Cardiff City ee Axadii laakiin xiddiga James Milner ayaa ka qaatay kubada gacantiisa xilli wajiga xiddiga laga dareemayo cadho xun.

Mohamed Salah ayaa xilli ciyaareedkan Liverpool u dhaliyay 23 gool sidoo kale caawiye ka noqday 12 kale 42 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Liverpool tartamada oo dhan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here