Xiriirka Kubada Cagta Argentine Oo Diiday In Mauro Icardi Lagu Daro Liiska Xulka & Inter Milan Oo Sabab U Ah

Xiddiga kooxda Inter Milan ee Muaro Icardi ayaa laga reebay Liiska xulka qaranka Argentine ee fasaxa xulalka ee bisha dambe.

Argentien ayaa bisha March la ciyaari doonta xulalka Morocco & Venezuela kulamadaas oo ay isugu diyaarinayaan tartanka Copa America ee xagaaga ka dhici doona Brazil.

Tababaraha xulka qaranka Argentien ayaa ka fikirayay in uu Mauro Icardi ku soo daro xulka qaranka laakiin xiriir kubada cagta Argentine ayaa diiday fikradaas.

Sababta uu xiriirka kubada cagta Argentine u diiday weeraryahanka ayaa ah dhibaatada kala dhexaysa xiddiga iyo maamulka Inter Milan.

Inter Milan ayaa si lama filaan ah uga qaatay xiddiga calaamada kabtanimada kadib markii uu diiday in uu heshiis cusub diiday.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here