Xidig ka tirsan kooxda Bayern Munich oo lala xiriirinayo Barcelona

Sida ay shaaca ka qaaday majalada caanka ah “France Football” ee dalka France waxaa markale dib u soo cusboonaaday wararka lala xiriirinayo daafaca kooxda Bayern Munich David Alaba ee kooxda Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa lala xiriirinayaa in si xoogan ay u dooneyso inay sameyso saxiixa xidig si wanaagsan kaga ciyaari kara garabka bidix ee daafaca, kaasoo si adag kula dagaalami kara xidiga reer Spain ee Jordi Alba.

Jordi Alba ayaa xili ciyaareedkan la kulmay cadaadis xoogan jir ahaan iyo maskax ahaanba, tan iyo markii uu kooxda Barcelon ka tagay Lucas Digne kaasoo ku biiray Everton, suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay.

Barcelona ayaa sidoo kale dooqyo kala duwan ka dhiganeysa magacyada xidigo dhowr ah, waxaana ka mid ah xidiga kooxda Liverpool ee Alberto Moreno, Nacho Monreal oo Arsenal ka tirsan iyo laacibka Atlético Madrid ee Filipe Luís, ee Ferland Mendy oo ka tirsan kooxda Monaco.

Si kastaba Blaugrana ayaa u muuqata mid si weyn ugu qanacsan qaab ciyaareedka David Alaba oo ay u adagsan karto boosas kala duwan, hadii uu go’aansado inuu u dhaqaaqo garoonka Cump Nou.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here