Xiddigaha Real Madrid Oo Oo Isku Raacay Sababta Dhibaatada Ay Ku Jirto Kooxdu

Wargayska MARCA ayaa shaaca ka qaaday sababta ka dambaysa guuldarooyinkii wakhtigii ugu dambeeyay soo gaadhay kooxda kana mid ahaayeen labadii El Clasico ee ugu dambeeyay.

Xiddigaha Real Madrid ayaa isku raacay in dhibaatada dhabta ah ee kooxdu bilaabatay guuldaradii Girona ee soo afjartay wakhtigii fiicnaa ee ay ku jireen.

Los Blancos ayaa guuldaro kala kulantay Girona kulan horyaalka ahaa kadib 5 kulan oo xiriir ah oo ay guul gaadheen waliba 6 dhibcood ka dhigeen dhibcaha ay ka dambeeyaan Barcelona.

Laakiin Kadib guuldaradaas kooxda Real Madrid ayaa la kulantay 2 guuldaro iyo hal bar-baro oo ay kala kulmeen Barcelona.

Wargayska ayaa intaas ku daraya in ay xiddigaha Real Madrid aad uga xun yihiin in ayna ku guulaysan horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Sidaas darteed waxa ay maamulka kooxda ka dalbadeen in ay xagaaga sugayaan saxiixyo waaweyn marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here