Xiddigaha Real Madrid Oo Naanays U Bixiyay Gareth Bale Kadib Markii Uu Diiday In Uu Casho La Aado

Goolhayaha Kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa shaaca ka qaaday in uu Gareth Bale wali ku dhibaatoonayo in uu la qabsado Nolosha Spain inkasta oo uu haatan joogo muddo 6 sano ah kooxda Real Madrid.

Thibaut Courtois oo ku raaxaysanaya nolosha Spain tan ilaa markii uu kaga soo biiray chelsea xagaagii ayaa Bale ku tilmaamay mid kaligii ah qolka Labiska Kooxda.

Xiddiga reer Wales oo ay kaga dhagantahay ciyaarista kubad Golf-ka ayaa xitaa diida in uu xiddigaha kooxda intooda kale la aado cashada mararka qaarkood kadib tababarka.

Waxana uu todobaadkan Marcelo sheegay in uu Bale kalmado yar kaga haldo Spain xilli uu Courtois sheegay in xiddiga 4-ta jeer kula guulaystay Real Madrid champions League in uuna ka faa,iidaysanayn tayadiisa.

Courtois ayaa sheegau in uu xiddigaha ay isku kooxda yihiin ugu yeedho Naanayso kala duwan isaga oo Ramos ugu yeedha “Leader” oo la macno ah hogaamiyo halka uu Marcelo ugu yeedho naanaysto xulka qarankiisa ee “Samba” halka uu Luka Modric ugu yeedho “Genius” oo la macno ah mid maskax badan.

Laakiin markii la waydiiyay Naanaysta ay xiddigaha Real Madrid ugu yeedhaan Gareth Bale waxa uu ku jawaabay “The Golfer”.

“Way adagtahay in Gareth Bale lagu qeexo hal kalmad”ayuu Courtois yidhi.

“Waxa aan odhan lahaa waxa uu leeyahay tayo cajiib ah laakiin waxa uu inta badan tayadaas ka hor istaagaa in ay soo if baxdo”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here