Koobka Adduunku waxa uu u shidan yahay oo wacdaro ka dhigay illaa hadda labada ciyaartoy ee da’yarta ah ee Jude Bellingham iyo Gavi oo u kala ciyaara England iyo Spain.

Labadooduba waxay dhaliyeen goolal, sidoo kalena waxa looga diiwaangeliyey taariikho cajiib ah.

idoo kale, Gavi oo ah wiilka sannadkan ugu wanaagsan da’yarta dunida ee dhowaanta la guddoonsiiyey abaalmarinta ‘Golden Boy 2022’, waxa uu wacdaro ka dhigay ciyaartii uu xalay xulka qaranka Spain 7-0 ku xasuuqay Costa Rica, iyadoo uu waliba dhaliyey gool qurux badan.

Labadan guulood ee ay gaadheen England iyo Spain waxa door weyn ku lahaa labadan da’yar oo rikoodho cajiib ah loo diiwaan-geliyey, sida hal-abuurka iyo taariikhda ay ku galeen goolasha ay dhaliyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here