Xiddigaha Ganaaxa Ku Seegi Doona Kulanka Liverpool & Porto Ee Champions Legaue

0

Kooxda Liverpool ayaa marti galin doonta kooxda Fc Porto kulan ka tirsan lugta 1-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League xilli ciyaareed kulan ka dhici doona garoonka Anfield.

Kooxda Fc Porto ayaa wajahaday ganaaxyo badan oo ay kulanka Liverpool iyada oo 2 xiddig ku waayi doonta ganaax kulanka Anfield sidoo kale khatar ugu jirta in ay waydo 3 xiddig oo kale lugta 2-aad ee tartanka.

Daafaca kooxda Fc Porto ee Pepe horyna ugu soo ciyaaray kooxda Real Madrid ayaa seegi doona kulanka habeen dambe ka dhici doona Anfield kadib markii uu kaadh digniin ah qaatay kulankii Roma.

Pepe ayaa khalad ku galay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Roma ee Dzeko taas oo keentay in uu sidaas ku qaato kaadhkii 2-aad ee wareega 16-ka taas oo la macno ah in uu hal kulan ku seegi doono ganaax.

Sidoo kale waxa kulanka ganaax ku seegi doona kabtanka kooxda Porto ee Héctor Herrera kaas oo dhankiisa qaatay 2 kaadh wareegii 16-ka halka ay sidoo kale jiraan 3 xiddig oo Fc Porto u ciyaara kuwaas oo khatar ugu jira in ay ganaax ku seegaan lugta 2-aad hadii ay kaadh digniin ah qaataan kulanka Liverpool ee Habeen dambe.

Xiddiga daafaca uga ciyaara ee Éder Militão ee dhawaan ku biiri doona kooxda Real Madrid ayaa ka mid ah xiddigaha hadii ay kaadh digniin ah qaataan seegi doonaan kulanka lugta 2-aad waxa sidoo kale ka mid ah xiddigaha Danilo iyo Otavinho.

Dhanka kale Liverpool ayaa ganaax ku waayi doonta daafaca Bidix ee Andy Robertson kaas oo gaadhkii digiinta ee 2-aad qaatay kulankii Bayern Munich ee ay Reds 3/1 ku badisay.

Ma jiraan xiddigo kale oo Liverpool ah oo khatar ugu jira in ay seegaan lugta 2-aad ee FC porto xitaa hadii ay kaadhka digniinta ah qaataan kulanka habeen dambe.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here