Xiddigaha Chelsea Uu Maurizio Sarri Ka Codsaday In Uu Joojiyo Hal Arin Kulankii Tottenham

Tababaraha Kooxda chelsea ee Muarizio Sarri ayaa kashifay in uu ku qasabnaaday in uu joojiyo qaab ciyaareedkiisa caanka ah ee “Sarri-Baal” kadib markii ay xiddigaha kooxdu ka codsadeen kulankii ay guusha ka gaadheen Tottenham.

Inkasta oo ay ciyaareen 120 daqiiqo Finalkii Carabao cup-ka Axadii Hore Chelsea ayaa sii noolaysay rajadooda kaalinta 4-aad kadib guul 2/0 ah oo ay ka gaadheen kooxda Tottenham.

Pedro ayaa furay gool dhalinta ka hor inta uuna daafaca kooxda Tottenham ee Kieran Trippier si khaldan gool isaga dhalin qaybtii dambe.

Guushaas ayaa cadaadiska ka qaatay tababare Sarri kaas oo la kulmay dhaleecayn xoogan sabab la xidhiidha qaab ciyaareedkiisa.

Sidoo kale waxa uu muujiyay in uu maamul ka yahay kooxda kadib markii uu shaxdiisa ka reebay Kepa Arrizabalaga kadib dhacdadii Wembley.

Sarri ayaa qirtay in uu raacay talada xiddigaha kooxdiisa taas oo ka caawisay in ay guul ka gaadhaan Kooxda Tottenham.

“Bilowgii ciyaarta waxa aan cadaadis u saarnay Tottenham si fiican”ayuu sarri yidhi.

“Waxa aan ogolaaday in aan badalo qaab ciyaareedka Kadib codsi ay xiddigaha kooxdu iga codsadeen si fiican ayayna u difaacdeen kulanka”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here