Xiddigaha Chelsea Oo Tababare Maurizio Sarri U Sheegay Shaxda Ay Doonayaan In Ay Kooxdu Ku Ciyaarto

Xiddigaha Kooxda chelsea ayaa ku khal-khasan falsafada tababare Maurizio Sarri ee “Sarri Ball” iyaga oo ka dalbaday in uu wax ka badalo shaxda kooxda.

Blues ayaa guuldaro 6/0 ah kala kulantay Man City Axadii xilli tababaraha reer Italy cadaadis weyn fuulay iyada oo lagu riixayo in uu is badal sameeyo ama shaqada laga caydhiyo.

Wargayska SunSport ayaa sheegaya in ay xiddigaha kooxda chelsea wadahadalo la qaateen tababare Maurizio Sarri kadib markii 10 gool laga dhaliyay labadii kulan ee Bournemouth iyo Man City.

Sida laga soo xigtay AS xiddigaha chelsea ayaa u sheegay tababaraha in ay iska daayaan ciyaarista Sarri-Ball waliba ciyaaraan si fudud.

CaughtOffside ayaa intaas ku daraya in ay xitaa xiddigaha chelsea tababaraha u sheegeen in uu shaxda wax ka badalo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha kooxda ayaa Sarri u sheegay in ay doonayaan in ay N’Golo Kante ku arkaan booskiisii hore ee uu kooxda uga ciyaarayay si uu Jorginho u caawiyo si uu u ilaaliyo daafaca.

Sidoo kale xiddigaha kooxda ayaa Tababare Sarri u sheegay in uu fursado badan siiyo xiddiga Callum Hudson-Odoi kadib markii uu iska sii joogay suuqii Janury.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here