Xiddigaha Arsenal & Liverpool Oo Isku Dhacay Dhamaadkii Qaybtii Hore Sababta & Sawiro Laga Helay

Xiddigaah Kooxda Liverpool iyo Arsenal ayaa u muuqday qaar dagaal gacamaha ah iskula tagay intii ay ku jireen tunnel kadib markii ay dhamaatay qaybtii hore ee ciyaartii ka dhacay Anfield.

Reds ayaa 4/1 ku hogaaminaysay qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo uga mahad celinaysa goolal ay u dhaliyeen Roberto Firmino, Sadio Mane & Mohamed Salah.

Laakiin xiddigaha labada kooxood ayaa u muuqday qaar isku dhacay markii ay ka bexeen garoonka kuna sii socdeen qolka Labiska.

Waxa la helay sawiro muujinaya xiddigaha Sokratis Virgil van Dijk oo hadalo kulul is waydaarsanaya markii ay ka bexeen qolka Labiska.

Labada xiddig ayay kala dhex galeen xiddigaha labada kooxood kuwaas oo ku soo uruuray murankii ka dhex dhacay labada xiddig.

Muranka labada xiddiga dhex maray ayaa la aaminsan yahay in uu ka bilowday rikoodhihii loo dhigay Mohamed salah iyada oo uuna xiddiga Sokratis ku faraxsanayn in uu salah si fudud ugu dhacay dhulka.

Halkan Hoose Ka Daaawo Sawirada laga qabtay:

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here