Xiddigaha Ac Milan Oo Ku Digtay Gonzalo Higuain Saacado Kadib Markii Uu Ku Soo Biiray Chelsea

Xiddigaha Kooxda Ac Milan ee Suso iyo Jose Mauri ayaa ku digtay xiddiga cusub ee kooxda Chelsea ee Gonzalo Higuain maalmod kadib markii uu ka soo tagay kooxdaas.

Suso iyo Jose Mauri ayaa ku digtay buurnida Gonzalo Higuain kadib markii uu xiddiga reer Argentine ku soo biiray kooxda chelsea.

Xiddiga reer Argentine ayaa ugu dambayn dhamaystiray ku biiristiisa Blue Arnacadii isaga oo heshiis amaah ah oo inta xilli ciyaareedkan ka dhiman ah ugu soo biiray.

Higuain ayaa qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan amaah kula qaatay kooxda Ac Milan isaga oo ku dhibaatooday qaab ciyaareed fiican kaliyan dhaliyay 8 gool 22 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Taageerayaasha Ac Milan ayaa sidoo kale Higauin ku digtay kadib markii uu ka tagay kooxda iyaga oo ku tilmaamay Bukug chocolate ah oo laga isticmaalo sucuudiga.

Higuain ayaa ka qayb qaatay tababarkii ugu horeeyay ee kooxda chelsea Khamiistii waxana uu soo dhigay baraha bulshada isaga oo xidhan maaliyada tababarka kooxda chelsea.

Laakiin Suso iyo Mauri ayaa ku digtay xiddigoodii hore iyaga oo u adeegsaday maaliyada tababarka oo ku dhagnayn Higauian.

“Waxa ay ku siin lahaayeen maaliyad weyn”ayuu Suso ku soo qoray sawirkii uu Higauin soo dhigay bogiisa Instagram-ka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here