Xiddiga Ugu Horeeya Ee Boorsooyinkiisa Ka Qaadan Doona Real Madrid Oo La Ogaaday Hadii Uu Jose Mourinho Tababare U Noqdo Los Blancos

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa sheegaya xiddiga ugu horeeya ee boorsooyinkiisa ka qaadan doona Real Madrid hadii uu Jose Mourinho tababare u noqdo kooxda Real Madrid wakhtiga soo socda.

Tababare Jose Mourinho ayaa laga caydhiyay shaqada Man United todobaadkii hore kadib natiijooyin xun oo uu kooxda ku hogaamiyay xilli ciyaareedkan iyada oo mar kale lala xiriirinayo ku laabashada Real Madrid.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in Kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramose yahay xiddiga ugu horeeya ee ka tagi doona kooxda Real Madrid hadii uu Mourinho mar kale ku laabto Real Madrid xagaaga.

Sergio Ramos ayaa haatan ka hor taagan maamulka Real Madrid in ay Mourinho u dhaqaaqaan isaga oo aaminsan in uu Santiago Solari yahay tababare ku fiican kooxda.

Laacibkii.com ayaa xusaysa in Mourinho iyo Ramos dhawr jeer weerar afka ah isku qaadeen tan ilaa markii uu Mourinho ka tagay Real Madrid.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here