Xiddiga, Tababaraha Iyo Kooxda U Tartami Doona Abaalmarinta Globe Soccer Awards Oo La Soo Saaray

0

Qaban-qaabiyayaasha abaalmarinta Globe Soccer Awards ayaa soo saaray Liiska 3-da xiddig ee kama dambaysta ah ee u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Globe Soccer Awards.

Xaflada ayaa la qaban doonaa 3 bisha January iyada oo lagu baqan doono Dubai.

Xiddiga ugu fiican adduunka ee Luka Modric ayaa laga reebay xiddigaha ugu dambaynta ah ee u tartamada abaalmarinta inkasta oo uu abaalmarino badan ku guulaystay abaalmarinta.

Xiddigaha u tartami doona abaalmarinta Globe Soccer Awards sanadka 2018 ayaa kala ah xiddigaha Cristiano Ronaldo, Kylain Mbappé & Griezmann.

Ka reebista Luka Modric ayaa lama filaan ah marka loo eego in uu xiddigan ku guulaystay abaalmarinaha ugu qiimaha badan shaqsiga ah ee kubada cagta.

Dhanka kale tababarayaasha Diego Simeone, Massimiliano Allegri, Zinedine Zidane & Jurgen Klopp ayaa u tartamada abaalmarinta tababaraha ugu fiican sanadka 2018.

Ugu dambayn kooxaha Atletico Madrid, Real Madrid iyo Liverpool ayaa u tartami doona abaalmarinta kooxdii ugu fiicnayd sanadka 2018

Laacibkii.com ayaa xusaysa in uu Cristiano Ronaldo ku guulaystay 2 jeer sanadihii 2016 iyo 2017.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here