Xiddig Uu Maurizio Sarri Si Aad Ah U Doonayo Oo Iska Diidi Doona Chelsea & Christian Pulisic Oo Sabab U Ah

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda PSV ee Hirving Lozano ayaa iska diidi doona in uu ku biiro kooxda Chelsea hadii ay tahay suuqa January ama suuqa xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Tababare Muarizio Sarri ayaa doonaya xiddiga garabka ka ciyaara tan ilaa markii uu ka wareegay shaqada Blues laakiin wargayska Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in uu wakiilka xiddiga ee Mino Raiola doorbidayo in uu xiddigu ku biiro kooxaha Inter Milan ama Napoli sabab la xiriirta xiddiga Christian Pulisic.

Kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge ayaa ku dhaqaaqday saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Christian Pulisic kaas oo ku soo biiri doona xagaaga.

Sidaas darteed xiddiga ayaa ka cabsi qaba in uu boos joogto ah ka waayo kooxda chelsea sidaas darteed waxa uu iska diidi doonaa in uu ku biiro Blues.

Taas ayaa ka caawinaysa kooxaha Napoli iyo Inter Milan in ay helaan saxiixa xiddiga reer Mexico marka la gaadho suuqa xagaaga dambe.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here