Xiddig U Ciyaara Real Madrid Oo Macasaameeyay Taageerayaasha Kooxdiisa Kadib Markii Ay Arsenal Dalab Ka Gudbisay

0

Kooxda Arsenal ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddig u ciyaara kooxda Real Madrid sida ay sheegayaan wararku.

Goolhayaha kooxda Real Madrid ee Keylor Navas ayaa si weyn u muujiyay in uu isaga tagayo kooxda kadib markii ay Arsenal dalab 14 milyan ah ka gudbisay adeegiisa.

Goolhayaha reer Costa Rica ayaa booskiisa Real Madrid u waayay Goolhayaha reer Belguim ee Thibaut Courtois kadib markii uu ku biiray kooxda bishii August ee xagaagii hore.

Waxa uu si aad ah u doonayaa in uu si joogto ah u ciyaaro waxana uu isku diyaarinayaa in uu isaga tago kooxda gaar ahaan iyada oo heshiiskiisa Los Blancos ka hadhsan tahay 18 bilood.

Haatan wargayska Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Roma iyo Arsenal dalab ka gudbiyeen saxiixa Goolhayaha iyada oo Gunners miiska saartay 14 milyan oo euro si ay u hesho 32 jirka.

Navas ayaa haatanba u muuqda mid sii macasalaameeyay taageerayaasha kooxdiisa isaga oo bogiisa Instagram-ka fariin ugu diray “Waad ku mahadsan tihiin wax walba oo aad ii qabateen”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here