Xiddig U Ciyaara Man United Oo Maalmaha Soo Socda Ku Biiri Kara Arsenal

0

Xiddig u ciyaara kooxda Man United ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Arsenal maalmaha soo socda xilli furitaanka suuqa January fooda inagu soo hayo.

Xiddig khadka dhexe uga ciyaara Man United ee Andreas Pereira ayaa ka fiirsanaya in uu ku biiro kooxda Arsenal sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Brazil.

22 jirka reer Brazil ayaa amaah ku qaatay kooxda Sevilla xilli ciyaareedkii hore waxana la filayay in uu saamayn ku yeesho United xilli ciyaareedkan.

Laakiin xiddiga reer Brazil ayaa kaliya 7 kulan u saftay United tababaramada oo dhan waxana inta badan laga reebaa kooxda.

Imaatinka tababare Ole Gunnard Solskjaer ayaa la macno ah in uu xiddigu heli doono haatan fursado badan oo uu ku ciyaari.

Laakiin Periera ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu heshiiskiisu dhamaado.

Wargayska UOL ayaa sheegaya in ay Arsenal xiriir Rasmi ah la samaysay wakiilka Periera isaga oo ka helay dalab Rasmi ah si uu ugu biiro kooxda Arsenal suuqa January.

Wargayska ayaa sheegaya in uu xiddigu si aad ah uga fiirsanayo mustaqbalkiisa maalmaha soo socda waliba laga yaabo in uu ku biiro Arsenal suuqa Janaury.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here