Xiddig Tottenham Ah Oo Shaki Giliyay Mustaqbalkiisa Qalcadda White Hart Line

Ciyaaryahaanka kooxda ee Tottenham ee Toby Alderweireld ayaa qiray in uusan ku kalsooneyn in xilli ciyaareedka dambe uu baaqi ku sii ahaanayo kooxda ka dhisan qalcadda White Hart Line.

Hishiiska daafacaas ree Belgiam ee Tottenham ayaa dhamaanaya xagaaga 2020-ka . waxaase lala xariirinayaa in u baxayo xagaaga.

Arintaan ayaa imaaneysa xilli United lala xariirinayay laacibkaas balse ugu dambeyn waa ay ku fashilmeen baacsigiisa xagaagii hore .

Maamulka Tottenham ayaan weli wax hishiis ah laacibka la gaarin oo ku aadan in qandaraaas cusub uu qalinka ku duugo , waxa ayna warar badan hareeyeen mustaqbalkiisa ee White Hart Line.

Sky Sport ayuu Toby Alderweireld ka yiri ” dhowr kulan ayaa weli ka harsan xilli ciyaareedka ”

” Ugu dambeyn hishiiskeyga hal sano ayaa ka haray sidaa darteed kama fikiri karo wax ka dheer xilli ciyaareedkaan , waxaa jira waxyaabo aynu ogeyn” ayuu sii raaciyay Toby Alderweireld.

” Waan ku faraxsanahay Tottenhgm , waana qasab in aan sugno si aan ogaano waxa dhacaya mustaqbalka” ayuu yiri Toby Alderweireld

Laacibkaas 30 snao jirka ayaa Tottenham xilli ciyaareedkaan u saftay 38 kullan dhamaan tartamada ay ku jiraan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here