Xiddig Real Madrid Ah Oo Marcelo Ku Riixaya In Uu Ku Biiro Juventus,Sabab

0

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Marcelo ayaa lagu soo waramayaa in uu bilaabayo in uu badalo fikirkiisa ah in uu sii joogo kooxda Real Madrid.

Wargayska AS ayaa sheegaya in mawqifka kooxda Real Madrid xiddiga reer Brazil ee Marcelo ku riixayso in uu ka fikiro ku biirista kooxda Juventus inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Xiddiga ayaa ku nool wakhtigii ugu adkaa tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda xagaagii 2007 kagana soo biiray Horyaalka Brazil.

Wargayska ayaa sheegaya in daafaca Bidix ee Sergio reguilón uu xidiga reer Brazil ku qasbayo in uu isaga tago kooxda kadib markii uu booska kala baxay kulamadii ugu dambeeyay.

Da,yarka reer Spain ee Sergio reguilón ayaa dhamaystay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee Real Betis iyo Sevilla taas oo ka xanaajisay Marcelo.

Sergio reguilón ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah taas oo keentay in uu Tababare Solari da,yarka u sheegay in uu yahay dookhiisa 1-aad ee daafaca Midig.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here