Xiddig Muhiim Ka Ah Shaxda Real Madrid Oo Qorsheynaya In Uu Ka Huleelo Santiago Bernabéu

Mid ka mid ah xiddigaha kooxda Real Madrid ayaa lagu waramay in si fog uu uga fikarayo in uu kooxdaas ka huleelo xagaaga dambe sida saxaafadda France ay soo daabacday.

Sida wargeyska L’Équipe uu qorayo , daafaca reer France ee Varane ayaa lagu waramayaa in uu damacsan yahay in uu ka huleelo Real marka uu xilliga ciyaareedka dhamaado .

Wargeyska ayaa sheegaya in aysan jirrin dhib laacibka ku haysta qalcadda Santiago Bernabéu balse taasi badalkeeda isaga ayaa doonaya in uu u wareego koox kale si tijaabo cusub oo aayihiisa kubadda cagta ah uu u soo sameeyo .

Wargeyskaas L’Équipe ayaa intaas ku daraya in qiimaha suuqeed ee Varane uu gaarayo 80 milyan oo euro .

Laacibkaas 26 sano jirka ah ayaa marar badan lala xariiriyay United kuwaasi oo dhankooda aan qarrin xiisaha ay u qabaan daafacaan adag .

Waxaa xusid mudan in hishiiska Varane ee Real uu dhacayo xagaaga 2022-ka , waxa uuna laacibkaas uu Real u yimid sanadkii 2011-dii.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here